SO

FemCenter – af-Soomaali

Gabareey!

Miyaad tahay mid cabsanaysa, loo hanjabay ama la garaacay?

Miyuu xad-gudub kugula kacay ninka ku qaba, ninka kula degen, ninka saaxiibka kula ah, waalidkaaga, walaalahaa, ama qaraabo kale?

Miyaad tahay mid cabsanaysa, loo hanjabay ama la garaacay?

Miyaa lagugula kacay xoogsheegasho xagga galmada ah?

Miyaad dareemaysaa in la xakameeyey nolosheeda?

Miyaad halis ugu jirtaa in laguu guuriyo adiga oon rabin?

Markaa soo wac FemCenter kvinnojour:

020 – 55 55 25.

Sidoo kale adigaaga la ah qaraabo, saaxiib ama saaxiib-shaqo waanu ku soo dhaweynaynnaa in aad na soo wacdo.

Wacitaanku waa bilaash, kamana muuqanayo biilka telefoonka.

Waxanu qabnaa waajib sir-xejin ah, waanad noqon kartaa qof is qariya.

Waad naga soo wici kartaa meel kasta oo aad ka degentahay Iswiidhan.

Waxanu bixinnaa taageero xagga wada hadalka ah, talobixin xagga sharciga ah, caawimo xagga la xiriirka maamulka ah, caawimo farsamo iyo deegaan qarsoon marka loo baahdo.

Annagayaga ka shaqaynna FemCenter waxanu ku hadalnaa luqado badan, waxananu taageero kugu siin karnaa afkaaga hooyo.

Waanu ku caawin karnaa!

Ku soo dhawoow in aad nala soo xiriirto.

Waxanu qabnaa waayo-aragnimo sannaddo badan ah oo taageerada dumarka iyo gabdhaha lagula kacay xadgudub ah.

Waxad naga helaysaa talobixin kaa caawin karta in aad beddesho xaaladda aad ku jirto, horena kuu wadaysa. Waxqabadka taageero ee jiri karaa wuxu ku xiranyahay baahida taageero iyo caawimo ee aad qabto.

Taageerada waxa lagu bixinayaa telefoonkayaga taageerada ee dalka dhan u furan ama kulan khaas ah oo lagugula yeesho xafiiskayaga.

KANSLI

För allmänna frågor, konsultation, placering, medlemskap, donationer etc.

Kontor/fax: 040-23 87 00 (Vardagar kl 08-17)

E-post: info@femcenter.se

Postadress: Box 171 75, 200 10 Malmö

ANDRA SPRÅK / OTHER LANGUAGES

ShqipالعربيةBosanski/Hrvatski/SrpskiدرىEnglishفارسیKurmancîپښتوPolskiRomaniaf-SoomaaliسۆرانیไทยTürkçeاردوTiếng việt

FÖLJ OSS

Copyright © 2009-2024 FemCenter.se